shan qaab oo aad ku farxad galin kartid naftaada adigoo u adeegaya dadka.
waalidka waa adeegaha ugu muhimsan ee nolosha aan ku aragno,intina
waalidka noqotey ama arkey waalidkooda,waxaad inta badan ku aragta
waalidkaaga marka aad yartahey ama aadba adiguba sameysaa marka aad
waalid noqoto,adeegyo fara badan,tusaale ahaan hooyadu waxeey inta badan
ku howlan tahey sidi caruurteda u xanaaneyn laheed,aabahana wuxu ku
mashquulsanyahey sidii uu ciyaalkisa uga haqab tirihi baahida
dhaqaale,waalidiinta adeegooda hagar la'aanta ah marna kama daalaan,mana
ku cuslaato ineey sii kordhiyaan mar walbo oo eey dareman iney
caruurtooda wax tabayaan,waxaa midaa ka sii daran in waalidku ku
raaxeysto kuna farxo wax walbo oo u qabto ubadkisa,sida aabaha marka uu
hadiyad u keeno caruurtisa,qaali ah oo laga yaabee lacag usan heli karin
ama deyn ah kuso qaado,waxa uga farxad badan walwalka daynta qosolka
yar iyo farxadda iyo boodboodka ilmihisa yar ee ey ku sameynayan
hortisa.tusaalaha waxan ka fa'ideysan karna bani-adamka inu ku farxo
marka u dareemo inuu adeegisa yar qofka kale farxad galiyey......waa tan
5 qaab oo ad naftaada ku farxad galin kartid
- Umuuji xushmad iyo qiimeyn qofka kale:waxey u muuqata ineey tahey adeeg fudud,balse miisan aad u culus ayey ku dhax leedahey dadka qalbiyadooda,waxa la xaqiijiyey in dadku eey aad u jecelyihiin qofka qadarinta badan kuna farxan aragtidiisa
- Dhageyso in ka badan inta aad hadashid:dhageysigaga wuxu farxad weyn galin karaa qofka kale asagoo dareemayo inuu yahey muhiim,fikirkisuna yahey mid wanaagsan, tusaale:waxad soo gashey meel eey fadhiyaan sedex qof,waxaad bilawdey inaad uga sheekeyso arrin ku qabsatey,waxa ka mid ah seddexda qof,hal qof oo ad ku dhageysanayo kuna siiyey muhiimad inuu kula ogaado waxa aad ka sheekeyneyso muxu noqon kara dareenkaagu?
- Ku amman qof kasta halka u ku wanagsan yahey:inaad ku ammanto qofka kale dareensiisidna wax qabadkisa iyo wanaagisa, waa camal aad u qiimo badan,waana maalgalin wanaagsan kaagamana baxeyso wax qarash ah,(remember)xasuusnow:mar walbo ku amman qofka kale dadka hortooda,kuna canaano ama ku dareensii qaladkisa meel idiin qaas ah
- Balanta oofi markasta:dadku inta badan waxeey sahladaan balamaha waxeeyna keenta isku dhac iyo wareer,hadii aad dooneyso inaadan marna dadku ku nicin farxadna kula dhax joogto mar walbo halaguugu barto oofinta balamaha
- Cafis u fidi kuwa aad dareento ineey kugu qaldameen:mar walbo haka qarin qofka eedeysanaha kuu ah inaad jeceshahey inaad cafiso,waxeyna keeneysa farxad iyo isu calool fiyooban
0 comments:
Post a Comment
thank you for your comment,, please come back and comment again